Al-shabaab oo iska baxay magaalada Matabaan oo muddo kooban ay maanta qabsadeen Saldhigina Burburiyay


isniin: December 13, 2021

Wararaka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada Matabaan oo muddo kooban ay maanta qabsadeen.

Dadka magaalada ayaa u sheegay VOA in maleeshiyada Al-Shabaab ay burburiyeen saldhigga booliiska ee magaalada oo ay ku xireen qaraxyo ka hor intii aysan ka bixin magaalada.

Al-Shabaab ayaa goor sii horraysay oo maanta ah la wareegeen Matabaan iyadoo aanu wax dagaal ah ka dhicin.

Ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku abaabulayeen magaalada Guriceel si ay ugu soo dhaqaaqaan dhinaca Matabaan.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta in maleeshiyada Al-Shabaab oo wata dhowr baabuur ay maanta magaalada kasoo galeen dhinaca galbeedka, kadibna ay calankooda ka taageen magaalada.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa shalay qabsaday tuulooyin hoos yimaada Matabaan oo ay ka mid tahay tuulada Bacda oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada.

Office Nairobi Kenya