Ciidamo ka amar qaatan Madaxweyne ku xigeenka oo la wareegay gacan ku haaynta Garoonka Baladweyne

isniin: December 13, 2021

Ciidamo gaar ah oo la sheegey in ay ka amar qaatan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka  Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar {DABAGEED} ayaa saakay la wareegay gacan ku haaynta Terminaalka Cusub ee Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo aad u hubeeysan ayaa si xoog ah gudaha ugu talay Terminaalka oo gacanta ku haayeen Shirkadii dhawaan dhistay sida uu Radio Hiiraanweyn uxaqiijiyey Masuul  ka tirsan shirkada oo Garoonka ku sugnaa.

La wareegitaanka Terminaalka ee  Ciidamada ayaa yimid kadib khilaaf  dhinaca dhaqaalaha shalay soo kala dhax galay shirkada dhistay Garoonka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar {DABAGEED}.

Cabdimalik Cabdalla oo kamid ah Maamulka Shirkada ayaa sheegay in xaalada ka socoto Garoonka Baladweyne oo ay ku dhaqmayaan Hirshabeelle ay tahay mid boob ah, waxaana uu intaasi ku daray in Maamulka shalay si xoog ah uu ku xiray Terminaalka halka mantane ay jabsadeen oo ay awood kula wareegen, Bulshada ayuu ugu baaqay in ay arintan ka hortagaan.

Office Nairobi Kenya