Golaha Wadatashiga Qaran iyo xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa xalay yeeshay wada hadal dhanka Zoomka


Sabti: December 18, 2021

Golaha Wadatashiga Qaran iyo xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa caawa yeeshay wada hadal dhanka Zoomka oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashada iyo tabashooyinka ka yimid.

Midowga Musharaxiinta ayaa ayaa shirka ku soo bandhigay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin sixitaanka doorashada, in la helo hufnaan iyo in lakala diro Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ugu dambeyn isku raacay in la dardar geliyo doorashada iyo Goluhu isugu yimaado kulan looga arrinsanayo dhameystirka doorashooyinka iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Office Nairobi Kenya