Booliska Baladweyne Oo Soo bandhigay Maandooriyaal iyo Ragii ka ganacsanyey.

 khamiis December 23, 2021

Taliska Booliska Baladweyne ayaa soo Bandhigay Goordhow  gaari ay saraanayeen maandooriye aad ufarabadan iyo ragii waday oo ay ciidamada Booliska Beledweyne gacanta kusoo dhigeen kadib Howlgalo Ciidamada Booliska ay ka sameyeen xafadaha Magaalada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ayaa goob joog ka ahaa Goobta Ciidamada ay kusoo bandhigayeen Maandooriyaha iyo ragii ka ganacsanayey, sidoo kale waxaa loosoo qabtay dhowr dhalinyaro ah oo isticmaalyey waxyaabaha maanka dooriya.

Taliska ayaa sheegay in howlgalka kusoo qabteen dhalinyaro habeenkii dadka ka dhice jiray Moobeelada xaafadaha Magaalada Baladweyne,

Office Nairobi Kenya