Cumar filish “Shacabka Wadajir waa in ay ka shaqeyaan Amniga Degmadooda si ay u helaan nabad iyo xasilooni”

Arbaco:  December 29, 2021

-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka qeyb galayay kulan ujeedkiisu ahaa ka hortaga mukhaadaradka iyo Sugida Amniga caasimadda oo lagu qabtay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan tabaneeyso taa oo la xiriirya amniga degmadda wadajir.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeeyntii  baaq udiray shacabka degan degamada Wadajir waxaa uuna sheegay  in ay ka shaqeyaan Amniga Degmadoda si ay u helaan Nabad iyo xasilooni

sido kale waxa uu kula dardaarmay in ay caruurtoda ka celiyaan waxyabaha maanka dooriya oo malmahaan kusoo badanaya Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa geesta kale hoosta ka xariiqay in degmada wadajir ay ka mid tahay degmooyinka ugu halista badan muqdisho isagoona sheegay in mar walbo lagu dhaco dadka, laguna iibiyo waxyaabaha maanka dooriyo.

Kulankaan oo ay kasoo qeeyb galeen saraakil ka tirsan booliska gobolka banaadir gudoomiyaha degmadda, odoyaasha degmada iyo haween,ayaa looga gol lahaa sidii looga hortagi lahaa muqaadaraadka, waxyaabaha maanka dooriyo iyo amni xumadda ka jirto degmada.

Office Nairobi Kenya