WHO oo markale ka digtay halista nuucyada cusub ee xanuunka Omicron

Khamiis December 30, 2021

Meelo badan oo caalamka kami ah waxaa sii kordhaya kiisaska nuucyada cusub ee ka dhasha xanuunka Karoona.

Maraykanka ayaa saacadihii ugu danbeeyay laga diiwaan galiyay boqolaal kun oo kiis oo Covid-19 ah.

Australia iyo wadamo badan oo qaaradda Yurub ah ayaa iyagana laga diiwaan galiyay kiisas badan.

Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay in nuucyada cusub ee ka dhasha xanuunka Karoona sida Omicron iyo Delta ay dunida dhibaato xoogan ku hayaan, haddii aan laga hortaginna ay keeni karaan in dad badan ay u geeriyoodaan.

Office Nairobi Kenya