Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay la kulmay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Sabti: January 1, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay  Muqdisho kula kulmay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo doorka Xukuumadda uga aadan ka mira dhallinta doorashooyinka dalka.

Office Nairobi Kenya