Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo dowlada Puntland ugu baaqday inay magdhow siiso dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka Boosaaso.


Isniin: January 3, 2022

 Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa bayaan ay soo saareen waxay kaga hadleen dagaalkii Boosaaso ka dhacay bishii hore

Xafiiska ayaa dhowr qodob oo ay soo saareen waxaa ka mid ah in dowladda laga doonayo inay magdhow siiso dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dagaalka.

Sidoo kale waxay sheegeen in hub aan weli qarxin uu yaallo goobaha lagu dagaallamay.

Dagaalkii ka dhacay Boosaaso ee u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ayaa waxaa uu gaystay qasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira iyo bur bur Hantiyadeed.

Office Nairobi Kenya