Ciidamo AMISOM oo baxay Xalane oo goor dhawayd gaaray Mdaxtooyada lana wareegay Amniga Madaxtooyada

Axad: January 9, 2022

Waxaa caawa gaaray xarunta Madaxtoyada Soomaaliya Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Amisom, kuwaas oo ka soo baxay Xerada Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamdaan oo wata ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka ah kuwooda Qalifan ay ka soo baxeen xalane, ayna galeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay ay isku hor fadhiyeen Ciidamada  Madaxweynihii hore ee Somaliya farmaajo iyo  Ciidamada Raisal Wasaare Rooble.

 Arintaan ayaa timid kadib shikrkii maanta Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ay ka midahaayeen  in Amniga Madaxtooyada ay sugaan ciidamada AMISOM, iyadoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga dalka, oo sida aan xog ku helnay laga heshiin waayey.

Sidoo kale farmaajo ayaa saacadihii la soo dhaafay Ciidamo dheeraad ah keenay Villa Soomaaliya kuwaas oo qal Qal galiyay Amniga Qaranka.

Office Nairobi Kenya