Joe Biden “dhaqdhaqaaq ciidamada Ruushku ka sameeyaan Ukrain waxa uu ka dhigan yahay weerar Moskana way ka shalayn doontaa.

Sabti: January 22, 2022

Waxaa isa soo taraya welwelk laga qabo in Ruushku uu ku duulo dalka Ukraine, iyada oo wadamada Midowga Yurub iyo Mareykankuna muujinayaan inay meel uga soo wada jeesan doonaan haddii uu duullaan noocaas ah yimaado.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaqdhaqaaq kasta oo ciidamada Ruushku ka sameeyaan xuduuda Ukrain sheegay in uu ka dhigan yahay weerar, Moskana ay ka shalayn doonto.

Sidoo kale hadalka kulul ee Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa imaanaya Xili wadamada Yurub sida UK,  Franca Denmark iyo kuwa kale ay Ciidamo u daabuleen xuduuda Ukrain ay la leedahay Ruushka.

Office Nairobi Kenya