Dad ku dhintay koonfurta wajeer ka dib markii gaariigii ay saarnaayeen ay miino la kacday

February 2, 2022

Afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen deegaanka Andaki ee koonfurta Wajeer ka dib markii gaari bas ah oo ay la socdeen uu dul maray miino dhulka lagu duugay subaxnimadii Arbacada maanta ah.

Tani waxay ku soo beegantay laba maalmood uun ka dib markii 7 qof ay ku dhinteen 13 kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino uu haleelay gaari bas oo ku sii jeeday magaalada Mandheera kaas oo ka soo ambabaxay deegaanka Carabiya oo ka tirsan imaamulka Mandheera.

 


Office Nairobi kenya