Dibadbaxyo looga soo horjeedo Qaramada Midoobey oo Sudan ka dhacay

Sabti: February 5, 2022

Taageerayaasha madaxda militariga ee Sudaan ayaa bannaanbax ka hor dhigay xafiiska Qaramada Midoobay ee caasimadda Khartoum, iyadoo meelo kale oo magaalada ahhna ay ka socdeen dibadbaxyo ay dhigayaan dadka soo horjeeda milatariga.

Qaar ka mid ah dadka taageersan ciidamada ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku sheegayaan in Qaramada Midoobey ay faragelin ku heyso arrimaha dalka Sudan.

Qaramada Midoobay ayaa wada tashiyo la yeellanaysa kooxo kala duwan si loo xalliyo xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta

Office Nairobi Kenya