Ilhan Cumar oo ka dalbadey maamulka Madaxweyne Biden dibu eegista cunaqabateynta saaran Soomaaliya

Sabti: February 12, 2022

lhaan Cumar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa warqad u qortey maamulka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Warqadda ayaa maamulka Madaxweyne Joe Biden ku boorineysa in dib loo jileeco cuna qabateynta la saarey sanadkii 2010-kii dalka Soomaaliya, taasoo wali halkeeda kasii socota.

Markii la saarey cuna qabateyntan kadib, ayaa xaaladda Soomaaliya waxaa iska badalay wax badan.

Ilhaan Cumar, ayaa carabka ku dhufatey in haatan wixii ka danbeeya cuna qabateynta saaran Soomaaliya aaney aheyn mid meel mar ah.

Office Nairobi Kenya