Soomaali ka tirsan gaadiidleyda xamuulka ee ku go’doonsan xadka u dhexeeya Canada iyo Maraykanka

Sabti: February 12, 2022

Dad tiro badan ayaa diiday go’aan maxkamadeed oo lagu soo afjarayo dibedbaxyo hareeyay gobolka Ontario ee dalka Canada.

Darawalada gaadiidka xamuulka ah oo doonaya in meesha laga saaro dhammaan xayiraadaha la xiriira cudurka Covid-19 ayaa qalqal geliyay noolasha qeybo badan oo ka tirsan caasimadda Ottawa.

Maxamed Cabdillaahi Xundubey oo ka mid ah gaadiidleydaas ku go’doonsan xadka u dhexeeya Canada iyo Maraykanka ayaa isaga oo faahfaahinaya sida haatan xaaladdu tahay Khadka teleefanka ugu waramay weriye Durraan Xasan-yare.

Office Nairobi kenya