Hirshabeelle oo shaacisay xilliga la qabanaayo doorashada lix kursi

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baladweyn.

Kuraasta lasoo dhajiyay waxaa kamid ah kursiga uu doonay Fahad Yaasiin kaas uu horay ugu fadhiyay Faarax Sheekh C/qaadir.

Doorashada ayaa dhici doonta 20-ka bishaan.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________