Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucdey duulimaadyada diyaaradaha 36 waddan


Isniin: February 28, 2022

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqdey iney ka mamnuucey dalkeeda duulimaadyada diyaaradaha 36 wadan, oo ay ku jiraan Ingiriiska, Jarmalka, Spain, Talyaaniga iyo Canada.

Waxey daba socotaa go’aankii Midowga Yurub, ee ahaa in hawadooda ay ka mamnuuceen duulimaadyada diyaaradaha Ruushka ka diiwaan gashan ama uu maamulo.

Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale ka mamnuucey duulimaadyada diyaaradda laga leeyahay Ruushka ee Aeroflot iney kusoo dagaan dalkeeda, taasoo keentay in Ruushku uu ku dhawaaqo mamnuucis aargoosi ah.

Office Nairobi Kenya