Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia oo sheegtay in ay gacan ka geysanayso daadgureynta Soomaalida ay saameeyeen colaadda ka taagan dalka Ukraine

 Arbaco: March 2, 2022

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia ayaa sheegtay in ay gacan ka geysanayso daadgureynta Soomaalida ay saameeyeen colaadda ka taagan dalka Ukraine, xilli kumannaan qof oo ka qaxay dalkaasi ay galeen waddamada Poland, Romania iyo Moldova.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia, Maxamed Cabdullaahi, ayaa BBC u sheegay in ilaa haatan ay ku guuleysteen in Soomaalidii halkaa ku xayirnayd ay galaan waddanka Poland. wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaraare.

.Office Nairobi Kenya