Arbaco: March 9, 2022
Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaa si toos ah ugu billaabatay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo gaaraya 6- kursi.
Kursaasta doorashadoodu socota, waxaa ay kala yihiin: Hop#261, Hop#077, Hop#099, Hop#167, Hop#168 iyo Hop#186.
Guddiga ayaa qabtay haatan doorashadiisa kursigii ugu horreeyay ee Hop#099, waxaa ku guuleystay wiil uu dhalay Xildhibaan hore Madoobe Nuunow Maxamed oo lagu magacaabo Axmed Madoobe Nuunow, isagoo helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdinasir Ibraahim Aadan 25-cod.
Kursigaan waxaa horay ugu fadhisay Xildhibaanad Deeqo Xuseen Xasan, balse Weli waxaa socoto doorashada kuraasta kale oo ay ku tartamayaan musharixiin dhowr ah oo ay shalay Guddiga diiwaangeliyeen musharixiinta u taagan doorashadooda.
Office Nairobi Kenya
