Jaamac Maxamuud oo ahaa tababare caalami ah, oo ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay tababarenimada.

Arbaco: March 16, 2022

Jaamac Maxamuud Aadan (Karaaciin) oo ahaa tababare caalami ah, oo mar kamid noqday tababarayaasha ugu fiican adduunka ee dhinaca orodada, ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay tababarenimada.

Karaaciin waxa uu ahaa ciyaartooy hore oo dhinaca orodka ah, markii dambe tababare ayuu noqday.

Dadka uu tabaray ee guulaysteyna waxa kamid ahaa Cabdi Bile Cabdi, Ayaanle Sulaymaan iyo Ganzabe Dibaba.

Todobaadkan ayaa lagu wadaa in xaflad lagu sagootinato muddadii dheerayd ee uu ku jiray cayaaraha lagu qabto Hargaysa.

Office Nairobi Kenya