Ciidamada amaanka Sri Lanka oo ka hortagay dibad bax ay dhigayeen mucaaradka


Axad: April 3, 2022

Ciidamada amaanka ee dalka Sri Lanka ayaa is hortaag ku sameeyay dibad bax ay dhigayeen mucaaradka magaalada caasimadda ah ee Colombo, iyadoo ay dadku ka careysan yihiin gabaabsiga ku yimid agabka aasaasiga ah.

Koox ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa isku dayay inay sameeyaan, socod ay kaga soo horjeedaan bandow lagu soo rogay magaalada ka dib mudaaharaadyo looga soo horjeedo sida ay dowladdu u maareysay dhibaatooyinka dhaqaale ayaa isu rogay rabshado.

Waxaanu wararka sheegayaan in in ka badan lix boqol oo qof loo taxaabay.

Office Nairobi kenya