Jahwareerka ka dhashay tahriibayaasha UK ay dib ugu soo celineyso Rwanda

Axad: April 17, 2022

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha UK ayaa ka digay in aan la helin caddeymo ku filan oo ku saabsan saameynta taban ee ka dhalan karta qorshaha dowladda UK ay dadka magangelyo doonka ah ku geyneyso dalka Rwanda.

Xoghayaha joogtada ee waasaradda arrimaha UK, Matthew Rycroft wuxuu sheegay in siyaasadda ku saabsan qiimaha lacagta ku baxeyso qorshahan ay ku tiirsan tahay sidii loo yareyn lahaa kuwa sida sharci darrada ah uga soo gudbayo kanaallada Ingiriiska.

Office Nairobi Kenya