Kooxa Jihaad doon ah oo weeraray Saldhigyo Militari oo Mali ku yaalla


Axad: April 24, 2022

Kooxo looga shakisan yahay inay yihiin jihaad doon ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday saddex saldhig oo ciidan oo ku yaalla bartamaha dalka Maali.

Wararku waxay sheegayaan inay ciidamada dagaallameen kaddib markii qarax iyo rasaas laga maqlay saldhiga Sévaré ee gobolka Mopti.

Weerarkaasi kaddibna Ciidamada Qaramada Midoobay ee Mali ku sugan ayaa la weydiistay inay caawiyaan ciidamada Mali inkasta oo khasaaraha weerarkaasi ka dhashay aan weli la ogeyn.

Dalka Maali waxaa ka jiray qalalaase tan iyo sannadkii 2012-kii markii ay kooxaha jihaad doonka ah ay qabsadeen qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga dalkaas.

Faransiiska ayaa hogaaminayay howlgal caalami ah oo uu ku doonayay in uu dib ugula wareego dhulkaas inkasta ay qorsheynayaan ciidamadooda

Iney la baxaan bilaha soo socda kadib marki uu xumaaday xiriirka mulatariga afgambiga sameeyey iyo Ciidamada Faransiiska dalka Mali ku sugan.

Office Nairobi Kenya