Nin Soomaali-Maraykan ah oo loo maxkamadeynayo musuq-maasuq baasaboor


khamiis: April 28, 2022

 Nin Soomaali-Maraykan ah ayaa hor yimid maxkamad ku taalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka toddobaadkan kaddib markii ay hay’adaha ammaanku ka soo qabteen garoonka diyaaradaha ee Minneapolis, xilli uu safar u ahaa waddanka Kenya.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay inuu si musuq-maasuq ah ku samaystay baasaboor xilli ay baaritaanno ku socdeen mashruuc lagu taakuleeyo carruurta gobolka Minnesota intii ay socdeen xayiraadaha COVID-19.

Mashruuca Feeding Our Future ayaa ah mid ballaaran oo ay hay’adda dambi barista FBI ku waddo sida ay ku baxeen lacago malaayiin dollar ah oo loogu talogalay quudinta carruurta.

Office Nairobi Kenya