Ruushka oo sheegay in Ciidamasiisa ay bar-tilmaameedsan doonaan Hubkasta oo gudaha Ukraine la geliyo

Sabti: April 30, 2022

Xilli Dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine uu galay maalintii 66-aad, sidokalana ay socoto daadgureeynta Hubka  Kiev kaga imaanayo xulufada reer galbeedka, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov sheegay in shixnad kasta oo hub ah oo la geeyo dhulka Ukraine ay Ciidamadooda bartilmaameedsan doonaan.

Wareeysi uu siiyay warbaahinta ayuu Sergey Lavrov, ku sheegay in loo baahan yahay in reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo NATO ay joojiyaan Hubka ay u daabulayaan Ukraine, haddii ay doonayaan in xal la helo.

OFFice Nairobi kenya