Al-Shabaab oo Markii ugu Horaysay war Kasoo saartay weerarkii uu Cali Xarbi ku dilay xildhibaan Amess

Talaado: May 3, 2022

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay weerarkii ka dhacay dalka UK ee wiil Soomaali ah ku dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka dalkaas.

Cali Xarbi Cali oo ah 26 jir Soomaali ah ayaa 11-kii April lagu helay dambi ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo uu ku weeraray kaniisad uu kula kulmayey cod-bixiyeyaal.

Ali ayaa dhowr jeer mindo ku dhuftay xildhibaan David Amess markii uu kaniisadda ku weeraray bishii October 2021, werarkaas oo uu ku qeexay mid uu uga aargudanayey taageero uu xildhibaanka siiyey duqeymo laga fuliyey Syria.

Al-Shabaab ayaa muuqaal ay soo saartay oo ka hadlay dagaal-yahanada kooxdaas ee weerarada gaystay waxay kusoo dareen Cali Xarbi, kaasi oo si weyn loogu amaanay wiilkan.

Office Nairobi Kenya