Mareykanka oo ka hadlay Doorashada Madaxweynaha cusub Xasan Shiikh


Talaado: May 17, 2022

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan la qaatay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Safiirka ayaa Madaxweynaha ugu tagey sallaan iyo sidii uu ugu hambalyeeyn lahaa Doorashada uu ku guulleystay xalay ee ka dhacday Teendhada Afisiyooni.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa Hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyada oo sheegtay in ay si darisnimo leh ula shaqeyn doonto.

Dowlado kala duwan ayaa Hambalyo iyo Boggaadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Shiikh.

Office Nairobi Kenya