isniin: May 23, 2022
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga iyo tan kalluumeysatada deegaanka oo muddooyinkii dambe ka cabanayay maraakiib Shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheegeen in lagu daadiyay xeebaha.
