Shirkadda Mercedes oo dib u aruurineysa 1 milyan oo gaari oo barreegyadu xumaadeen

Isniin: June 6, 2022

Shirkadda baabuurta sameysa ee Mercedes-Benz ayaa dib u ururienysa qiyaastii hal milyan oo gaadiidkeeda ah caalamka oo dhan taas oo ay sabab u tahay dhibaatooyin waaweyn oo lag arkay hanaanka baabuurka joojiya ama bareegga .

Shirakadda ayaa sheegtay in ay la xiriiri doonto daka iska leh baabuurtaa ee laga yaabo waxa ay shirkaddu ugu yeeertay dhammaansho ama hoolmid .

Gaadiidka dib loo soo ururinayo ayaa gaaraya 993, 407 gaari oo ay ku jiraan 70,000 oo taalla dalka Jarmalka gudihiisa .

Sanadkii hore ayaa sidoo kale dib u soo xareysay tiro gaadiid oo tan oo kale ah arrimo la xiriira dhinaca ammaankaiyo hannankooda digniinaha degdeg ah .

Gaadiidka la soo ururiyo ayaa la eegi doonaa waxaana laga bedeli doonaa qeybaha ka qaldan

Office Nairobi Kenya