Ciidamada Somaliland oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Saraar.

Arbaco: June 8, 2022

Ciidamada Booliska Gobolka Saraar Ayaa Hawlgalo Lagu Adkaynayo Nabadgelyada Ka Bilaabay Deegaanada Gobolka Saraar, kadib markii ay usoo Guureen Dad Reer Guuraa ah ee Xoolo Dhaqato Ah  Oo Ka Kala Yimi Deegaano Kala Duwan ee Somaliland.

Howlgalka waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidankaasi Gaashaanle Sare Hassan Ismacil Yuusuf Gacmayare waxaana ay halkaasi gaareen Gabal dhicii shalay isagga iyo Ciidamo uu watto.

Degaanada ay gareen Ciidamada Somaliland waxaa kamid ah Ceel Dhaab Habariheshay Oog Bali cumar  Buqdharkayn Iyo Degamo Kale, waxaana Saraakisha hogaamineysay howlgalkaan ay sheegeen in ay ka hortagaan isku dhaca Dadka Reer guuraaga ah maadaama ay kaka yimaadeen Meello kala duwan.

Taliyaha ayaa bulshada Reer guraaga ah ugu baaqay Inay Nabad Gelyada Ilaaliyaan oo ay ka fogaadaan isku dhaca iyo dirir dhex marta.

Sidoo kale Taliyaha ayaa Bulshada Degamadasi Degan ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan dadka kasoo guuray degsanada ay abaaruhu halakeeyeen.

Office Nairobi kenya