Shidaal yari ba’an oo ka jirta Magaalooyinka Puntland

Arbaco: June 29, 2022

Shidaal yari ba’an ayaa laga dareemaya qeybo badan oo ka mid ah maamaul-goboleedka Puntland, xilli dunida oo dhan sicirka saliidda uu cirka isku shareeray.

Shidaal la’aantani ayaa sida la sheegay sababtay in albaabada loo laabo kaalimaha qaar ee shidaalka, halka gawaarileyduna ku khasbanaadeen in ay gawaaridooda dhigaan.

Gaadiidleyda ayaa intooda badan arrintani u aaneynayaan ganacsatada shidaalka oo ka faa’iideysanaya dhibaatada dhanka shidaalka ee ka jirta caalamka.

Office Nairobi Kenya