Madaxweyne Putin oo farriin u diray ciidamadiisa ku sugan jiidda hore ee dagaalka Ukraine

Isniin:July 4, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hambaleeyay ciidamada Ruushka ee ‘xoreeyay’ gobolka Luhansk ee bariga Ukraine.

Kulanka laga baahiyay teleefishinka oo uu la yeeshay wasiirka gaashaandhigga, wuxuu Putin sheegay in ciidamada ku lug lahaa howlgalkaas ay tahay inay nastaan halka ciidamada kale ee militeriga ah ay tahay inay sii wadaan dagaalka.

Putin wuxuu sidoo kale abaalmarinta ‘halyeeyada Ruushka’ guddoonsiiyay labo janaraal oo hoggaaminayay howlgalka.

Ruushka ayaa Axaddii ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay guud ahaan gobolka Luhansk iyo magaalada muhiimka ah ee Lysychansk.

Office Nairobi Kenya