Ra’isul Wasaarihii Hore ee dalka Rooble oo u Ambabaxay Wadanka Sacuudiga si uu uga qeyb galo Gudashada Xajka

Talaado: July 05, 2022

Ra’iisul wasaarihii hore ee XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u anbabaxay dalka Sacuuudi Carabiya si uu u soo guto cibaadada xajka ee sanadkan.

Rooble ayaa toddobaadkii hore xilka wareejiyay ka dib 21 bilood oo uu dalka Ra’iisul Waaaare ka ahaa, isagoo soo hoggaamiyay howshii doorashada dalka.

Sidoo kale waxaa safarka Xajka ku wehliyo Gudoomiyaha baarlamaanka sheikh aadan Madoobe oo asagana ka qeyb galayo gudashada waajibaadka Xajka sanadkaan

Office Nairobi Kenya