Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo laba wasiir shaqo joojin ku sameeyey


Talaado: July 12, 2022

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya, Axmed Cilmi Cismaan “Karaash”, ayaa ku sameeyey shaqo joojin laba wasiir.

Wasiiradda ayaa loogga joojiyey shaqadoodii wareegto kasoo baxdey xafiiska madaxweyne kuxigeenka, kuwaasoo kala ah:

-Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomadda Puntland

-Wasiirka Dekadaha iyo Gaadidka Badda Puntland

Wasiir kuxigeenada wasiiraddii shaqada laga joojiyey, ayaa la farey iney hawlaha sii wadaan.

Office Nairobi Kenya