Madaxtooyada Soomaaliya: ‘Guul ayuu kusoo dhammaaday ‘kulankii Xasan Sheekh iyo Uhuru

Sabti July 16, 2022

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in uu ‘guul kusoo dhammaaday’ kulankii ay Kenya ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uhuru Kenyatta.

“Madaxweynaha iyo dhiggiisa Kenya oo yeeshay wadahadallo guul ku soo dhammaaday ayaa isla qaatay xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, fududeynta dal ku-galka, dhaqdhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib labo maalmood uu booqasho ku joogay Kenya.

Office Nairobi Kenya