Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo shirar ku leh caasimada dalka Masar

Isniin: July 25, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray caasimada dalka Masar

Waxaa kusoo dhoweeyey garoonka magaalada Qaahira, wasiirka Maaliyadda Masar, Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd.

Office Nairobi Kenya