Weerar loo adeegsaday Bamgacmeed oo goor dhawayd lagu qaaday Xarruunta CID-da Magaalada Muqdisho

Axad: AUGUST 7, 2022

Weerar loo adeegsaday Bamgacmeed ayaa lagu qaaday Xarruunta CID-da oo ku taalla meel u dhow wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in bam gacmeed lagu tuuray ciidamada ku sugan albaabka laga galo xarunta CID, gaar ahaan  dhanka Xanaano ee wadada aada Cabdiqaasim.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu uu jiro dhaawac soo gaaray ciidanka ilaalada ahaa ee ku sugnaa barta laga ilaaliyo xarunta.

Ciidamada Ammaanka ayaa daqiiqado ka dib hakiyay isku socodka wadada Cabdiqaasim.

Office Nairobi Kenya