Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi horudhac u ah Madaxweyne Xasan Shiikh oo garowe ku wajahan

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  kulan la yeeshay wafdi ka socda Dowladda Federaalka  ee Soomaaliya, kuwaasi oo horudhac u ah safar uu halkaasi ku tagi doono Madaweyne Xasan Shiikh.

Wefdigaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda, Abshir Cumar Huruuse ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano Dowladda Federaalka ku matela Maamulka Puntland.

Sidoo kale, kulnka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud la filayaa in uu safar ku gaaro Magaalda Garowe ee Caasimadda Puntland.

.

Office Nairobi Kenya