Madaxweynaha Puntland Oo Qaabilay Isimada Deegaannada Maamulkaas

Arbaco: AUGUST 24, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay qaar ka mid ah isimada Puntland, waxaana ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada.

Isimada Puntland ayaa u taagan ka shaqeynta nabadeynta bulshada iyo horumarka deegaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Puntland uu ku boggaadiyey sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida Bulshada.

Office Nairobi Kenya