Iran oo sheegtay in ciidamadeeda badda ay Badda Cas ku qabteen labo dooni, oo nooca aan naaquudaha lahayn uu leeyahay Mareykanka.

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

Iran ayaa sheegtay in ciidamadeeda badda ay Badda Cas ku qabteen labo dooni, oo nooca aan naaquudaha lahayn ah, iyadoo uu milkayaddeeda leeyahay Mareykanka.

Telefishinka qaranka ee dalkaasi, ayaa sheegay in ciidamada badda ay la wareegeen gacan ku haynta doonida.

Waxey intaa ku dareen iney u qaadeen tallaabadani, si ay uga hortagaan shil, ka dib markii ay ” digniino u direen” maraakiibta Mareykanka. Markii dambe waa la sii daayay doonidii.

Muuqaal la baahiyey, ayaa muujinayey dhowr qof oo kamid ahaa shaqaalihii doonida, oo ku riixaya doonida badda, si ay mar kale safarkeeda socdaalka usii wadato.

Office Nairobi Kenya