Dhisme ku dumay Kenya oo khasaare nafeed ka dhashay.


Talaado: September 26, 2022

Ugu yaraan lix qof ayaa geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu soo dumay dhisme dhisma ku socday oo ku yaalla ismaamulka Kiambu oo u dhow magaalada Nairobi.

Waxaa jirta cabsi ah in dad badan ay ku xanibanyihiin burburka hoostiisa.

Howlaha samataxibinta dadkaas ayaa weli socda.

Booliska ayaa baaraya waxa sababay burburka dhismahaasi.

Office Nairobi kenya