Ciidamada Taalibaan oo  rasaas cirka u riday si ay u kala eryaan haween dhigayey dibadbax ay ku taageerayaan mudaharaadyada haweenka

Khamiis:SEPTEMBER 29, 2022 

Ciidamada Taalibaan ayaa rasaas cirka u riday si ay u kala eryaan haween dhigayey dibadbax ay ku taageerayaan mudaharaadyada haweenka Iran ay wadaan ee ka dhashay haweeney gacanta booliska ku dhimatay.

Haweenka dibadbaxa dhigayey ee la kala eryey aya ku dhawaaqayey ‘Hawee, Nolo, Xorriyad’, haweenka oo dibadbax ka dhigay safaaradda Iran ay ku leedahay caasimadda Kabul horteeda.

Sida oo kale haweenka waxay siteen borar ay ku qoran yihiin ‘Iran wey kacday, haddana waa markeenna’. Ciidamada Taalibaan oo haweenka kala eryey ayaa boorarkaasi ka dafay kana jeexjeexay.

Labadi toddobaad ee ugu dambeeyey mudharaadyo ballaadhan oo ka dhashay haweeney ku dhimatay ciidamada ilaalinta anshaxa Iran ayaa dalkaasi ka socda, mudaharaadyada oo haatan u muuqdo iney iisu baddaleen kacdoon guud

Office Nairobi Kenya