Xulka qaranka Soomaaliya oo guul ka gaaray ciyaar ay isaga hor imaadeen xulka dhiggooda ah ee dalka Uganda.

Arbaco: OCTOBER 12, 2022

Xulka qaranka ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ee Soomaaliya ayaa maanta guul ka gaaray ciyaar ay isaga hor imaadeen xulka dhiggooda ah ee dalka Uganda.

Kaddib markii ay 90-kii daqiiqo ee caadiga ahaa ku dhammaadeen barbardhac 1-1 ah ayaa labada kooxood loo dhigay tartan gool ku laad ah oo ugu dambeyn ay guushu ku raacday Soomaaliya.

Hal ciyaar oo ay guul kale gaaraan ayaa Soomaaliya ka hor taagan in ay hantaan koobka CECAFA ee bariga iyo bartamaha Afrika. Tartankan waxaa si gaar ah loogu qabtaa ciyaartoyda ay da’doodu ka hooseyso 17-ka sano.

Galabta waxaa ballansan xulalka Tanzania iyo Suudaanta Koonfureed oo kii soo guuleysta ay fiinaalka usii fadhiso Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya