Haween badan oo Soomaaliyeed oo gaaray isbitaalada Muqdisho si ay dhiig u bixiyaan

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa weli shacabka ka codsanaya in ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii magaaladaasi ka dhacay ee goobaha caafimaadka yaalla.

Waxa hadaba codsigaas si wayn uga soo jawaabay haween aad u tiro badan oo dhiig ku deeqaya, arintaas oo dadka qaarkood lama filaan ku noqotay madaama oo ay dadku u haysteen in dumarku aanay shubi karin dhiig.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in aanay aqbali karin in isbitaaladdu iyadoo xaaladdan ba’an lagu jiro ay shacabka dhibaataysan weydiiyaan lacago inta aanay adeeg caafimaad u fidin, taasna hadii ay xaqiiqowdo ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Office Nairobi Kenya