Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay goor dhawayd harada Victoria gaar ahaan gobolka Kagera ee dalka Tanzania.

Axad: NOVEMBER 6, 2022

Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria gaar ahaan gobolka Kagera ee dalka Tanzania.

Taliyaha booliska ayaa BBC-da u xaqiijiyay diyaaradda dhacday, wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo loogu gurmanayo dadkii rakaabka ahaa.

Diyaaraddan ayaa saaka ku burburtay magaalada Bukoba.

Kooxaha dab damiska iyo booliska ayaa gaaray goobta si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka ah.

Ilaa iyo hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay diyaaraddan burburtay.

Office Nairobi Kenya