Isniin: NOVEMBER 7, 2022
Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidanka xooga iyo dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo hoos yimaada Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo ilaa hadda socda ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, mana cada inta uu la egyahay.
Qaayib ayaa 30km u jirto Degmada Baxdo, waxayna wararka sheegayaan in isgaarsiinteedu ay aad ciriiri u tahay.
Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa goor dhow gurmad ahaan uga baxay Degmada Baxdo.
Weerarkan ayaa imaanaya, xill Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay 25-kii bishii October dagaal culus kula wareegeen deegaankaasi.
Ururka Al-Shabaab ayaa saldhig weyn ku lahaa Qaayib, oo dhowr iyo toban sano ay ka arriminayeen.
Office Nairobi Kenya
