Al-Shabaab oo ka hadashay magaca ay dowladda ku dhawaaqday in loogu yeero

Arbaco: NOVEMBER 9, 2022

Kooxda Al-Shabaab ayaa diiday u adeegsiga magaca “Khawaarij” ee dowladda federaalka Soomaaliya ay shaacisay– iyada oo ku tilmaamay erey meel ka dhac ah oo macneheedu yahay koox qalloocan oo xag-jir ah, sida ay BBC Monotoring ka soo xigatay warbaahina Al-Furqaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, waxayna shacabka ka codsatay in kooxdan loogu yeero “Khawaarij”.

Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka kooxda ee Al-Furqaan ayaa sheegay in adeegsiga eraygaasi uu qeyb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda.

Office Nairobi Kenya