Madaxweyne Xasan oo saakay gaaraya Wisil, Baxdo, iyo Hiiraan ilaa Duleedka Wabxo si loo kordhiyo Dagaalka Khawaariijta

Sabti: 19 Nofembar 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray Al-shabaab iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.

Sidoo kale, waxa uu ku bogaadin doonaa sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda, ugana xoreynayaan Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

Office Nairobi Kenya