Wararkii Ugu Danbeeyey Kooxo Bistoolada Ku Hubaysan oo Dilay Gudooomiye Maxamed shiikh

Khamiis: DECEMBER 15, 2022

Gudoomiyihii  Xaafada Xaashi-weer ee ka tirsan xaafadaha magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa xalay  lagu dilay magaaladaas.

Marxuum Maxamed shiikh ayey wararku sheegayaan iney rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa hoygiisa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in marxuumka uu isla goobta ku dhintay, ayna baxsadeen raggii dilkaas fuliyey.

Ciidamada amaana magaalada Garbahaarey ayaa la sheegayaa iney xaafado ka tirsan magaalada ka wadaan xalay  howlgalo baaritaan ah oo lagu baadi goobayo raggii dilka geystay.

Inkastoo aaney jirin cid sheegatay dilka masuulkan haddana kooxda Al-shabaab ayaa looga bartay beegsiga iyo dilalka masuuliyiinta maamulada hoos taga dowlada Somalia.

Office Nairobi Kenya