Wasiirka Awqaafta XFS oo kulan la qaatay hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta  iyo Arrimaha Diinta JFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta xafiiska ku qaabiley hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Ujeedada kulanka wasiirka iyo hoggaanada wacyigelinta ee ciidamada qalabka sida ayaa ahaa wadatashi iyo is xog wareysi ku saabsan dardar gelinta howlaha wacyigelinta lagu dhiiragelinayo geesiyaasha ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira khawaariijta.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaadey daadejinta howlaha wacyigelinta ee ay iska kaashadaan Wasaaradda iyo hoggaanada siyaasadda iyo  wacyigelinta gaar ahaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhinacyada dhaqanka iyo aqlaaqda suuban, isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyaha iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata.

________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.