Soomaaliya oo safiirada caalamka ee Muqsisho jooga gaarsiisay go’aankeeda ku aaddan gardarrada Ethiopia

Muqdisho – Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda FS oo maanta shir isagu yeertay danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.

Siihaayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda dowladda FS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.

________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.